Thursday, May 10, 2012

NABAD - PEACE




Door weeye nabadduye
Innagaan dareemine
Dadka kaleba wuu garan
Dunidaba ma eegteen
Daafaha aduunyada

Axmed Xayle dersinkii
Durruustuu dhigaayay
Ku dadaala nabaddoo
Demiya dagaalada
Waa taan ka diidnee

Xayle derin innoo dhig
Salool iyo bun noo dub
Dabka demiya nagu yiri
Innuu dilaba mooyee
Dagaal wiil ma koriyee

Maxaa Carab innoo daran
Dalkood ugu tahriibnaa
Saxaraha dugaag dila
Dadkeen ugu lugeeyaa
Harraad ugu dilaayaa

Dalka yaan la diiran
Dadka yaan la dilinoo
Dhaqan dawyo soo jiray
Dastuur iyo nidaam baa
Nabad lagu dabbaashaa

Waa dardaaran Xaylee
Waala dereja beeliye
Dibad joog ayaan noqon
Dadkaa nagu maadsani
Haddaan nabad la dooran

Dalkan mee dadkiisii
Day day iyo mooryaan
Yaa dooxanaayee
Dadki iyo dalkiiba
Dhiig baa da’aayee

Bad miyaa innoo dihan
Roob miyaaba noo da’a
Doog miyaa innoo baxa
Xoolo daaq innoo taga
Wayna moora duugeen

Xaylaa Daa’im tuugoo
Dabiib iyo Allow keen
Nin door noo dagaalama
Maatida difaaca
Danta guud ilaalsha

Ducadaas Ilaahbaa
U aqbalay dadkiiyoo
Dayuusinti inna dilay
Dabadeyba taageen
Daanyeer sidiisii

Waala doogsan doonaa
Heedhe yaan la dacaroon
Dembiyo dad soo gelay
Tegi karin dalkoodii
Yaaney nagu danaysan

Dumar iyo ragow toos
Daa’im idin derejee
Dalya duunyo idin sii
Ka difaacda tuugada
Hadba shaar dadkuu xiran

Kuwa calanka diidee
Indheer garad dilaaya
Dawladnimada diiddan
Xaylaa u digayoo
Dacwad baa sugaysaa

Dalka waan dhisaynaa
Dadka waala daaweyn
Dakanada kuwii galay
Xaylaa u digayoo
Dacwad baa sugaysa

No comments:

Post a Comment