Saturday, March 17, 2012

GUHAAD - ANGUISH


Geeridu xaq weeyee
Intuu uumay Guulana
Nafta geliyay oo idil
Way wada go’aayaan
Goorti ay ahaataba

Anigoona taa garan
Guhaad iyo caloolyow
Gocashaan dareemaa
Gama’ii la ii diid
Gogoshaanba hiifaa

Muu gaboobin Xaylee
Guxush muuna noqon weli
Mana uu gu’ waynayn
Gadh madaw han qaadiyo
Geesi buu ahaayee

Axmed Xaylihii go’ay
Nabaddoonki guushiyo
Gobanimo u dhaladkiyo
Gacanwaynidiisaa
Qabigayga kaba go’in

Geeridiisi awgeed
Gaawaheenu maranoo
Guunyana ma aan lihin
Afar uu gob ku ahaa
Goobta yaanba soo dhigi

Dadkoo gees u kala baxay
Geed fuushay nabadduna
Laysu guran gantaalada
Gowrac laysla maagay
Gardaradu hanqaadday

Isagoon gabbanahayn
Ridahayn gar eexaad
Geeshkiyo gulufkii
Uu qolaba gaarkeed
Garansiiyay nabaddoo

Gabanadi uu dhalay
Gambo kaan u haynin
Gurigiisu maran yahay
Gaaridiisi yaabtay
Gurboodkiisi gaajoon

Gacal iyo danlayba
Axmed Xayle gurigiis
Yaa loo gurtaaye
Wixii Guulle siiyoo
Gacmaha u buuxshaa

Cilmigaan la garanayn
Galti bixin waydoo
Isagaaba garan jiray
Gaamurtay aqoontiis
Jaamacado yuu galay

Cilmi yuu gunaanaday
Tii la garan waayana
Ka caddeeyay giirkee
Aqoontiisa gaarka ah
Waa garasha dheeree

Kaftan aan gef lahayn
Isku riixo gacalku
Googaalaysi gaariyo
Guud caddu bilowdo
Goobtuna camiran tahay

Geeraar aftahaniyo
Guurowga lala dhacay
Gabayadu bilowdaan
Gebagebada isagaa
Guubaabada lahaayee

Maantase galbadayoo
Geeridu xaq weeye
Nebiyadi horuu go’ay
Yuu gogol la joogaa
Guullaha agtiisee

Ummadduu gargaarkiyo
Garabkuu ahaana
Geyigooda nabad sii
Gees mari colaadaha
Goor iyo ayaanba

THE END

No comments:

Post a Comment