Sunday, January 1, 2012

XOG WARRAN – DISCOURSE




Xalay aniga oo ladi
Xayndaabka hooygiyo
Xeradeena jooga

Riyo xiiso badan loo
Oon weli xusuusto
Xaakim ila wadaagee

Axmed Xaylihi tegay
Xigmad badane weeye
Ee Xaakim oofsaday

Xaajaggal ahaayee
Xushmo nagu lahaayee
Aad loo xurmayn jiray

Xamar iga waraystoo
Sida xaalku uu yahay
Xuduudaha dalkoo dhane

Xornimaan u hadalnoo
Xaal waraysi dheer baan
Xaraf xaraf u siiyee

Xiisad iyo colaadiyo
Abaar xaaluf keentaa
Kumanaan xijaabteen

Xagaldaacday xaajoo
Xigaalkaa is dilayee
Waa xaraarug xaalkuye

Wuxuu Xayle igu yiri
Qof haddu xisaabtami
Xasuuq iyo ma gaysteen

Xeebaha sun kuma shubo
Dhirta xaaluf kama dhigo
Xoolo dhedig ma dhoofsheen

Dalka muu xumeeyeen
Xabaalaha ma faagteen
Xadgudub ma gaysteen

Abti laga xishoon jiray
Xoolihiis ma boobeen
Xinjirtiis ma daadsheen

Wuxuu yiri xumaantaas
Colaadaha xad dhaafkaa
Xal ayaa uun loo heli

Xilahaan ka tegay iyo
Ilma Xayle oo idil
Xaalkooda ii sheeg

Marrastaadi Xaylow
Xaakim baa ilaalshoo
Way ku wada xusaayaan

In ay Xariga Eebe
Ay xoog u haystaan
Reer Xayle gaarsii

Adigey xilsaaraye
Anigoo ku soo xigan
Xasil yaan u gaarsiin

Isagoo xaraga socon
Ku xerooyay janadii
Xeeldheeraheenii




I was sleeping last night
Home was cozy and safe
I was home with family

A fascinating dream
Of which I still remember
The Lord shared with me

The departed Ahmed Haile
The sagacious one
Whom the Lord took away

He was a peacemaker
Whom we honored well
He was widely respected

He asked me about Mogadishu
He inquired about any updates
About the entire country

We communicated freely
I gave him the updates
In great details

Conflicts and wars
Devastating droughts
Thousands have perished

The situation is out of hand
Brothers killing each other
The condition is really dire

Haile said to me
If someone is responsible
He will not commit genocide

He does not poison the seas
He does not deforest
He does not export female livestock

He does not injure the country
He does not desecrate graves
He would not commit violations

The venerated maternal uncles
He does not rob them
Or shed their blood

He said these abhorrent actions
The endless civil wars
Will one day cease

The beloved wife I left behind
All the Haile children
Tell me about them

The entire Haile family
The Lord is protecting them
They fondly talk about you

He said To hold fast to the rope of God
Without any distractions
Convey to the Haile family

You have sent me as a messenger
I will quote you with accuracy
I will convey to them this message

He strolled away with dignity
And returned to paradise
The cherished expert

No comments:

Post a Comment